Ciidanka hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa   howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleystee soo bixinta iyo kala furista miino lagu Aasakay mid kamid ah Xaafadaha Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Ciidanka NISA ee Jubbaland ayaa sheegay in Miinadaas ay Al-Shabaab Aaseen si ay dadka ugu dhibaateeyaan, hayeeshee xog ay ka heleen Shacabka ay ku guuleystaan inay soo saaraan.

ay argagixisadu ku aaseen goob kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo taas oo ay ugu talo galeen inay ku dhibaateeyaan bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelineynaa shacabka sida hagar la’aanta ah ula shaqeynaya hay’adaha amniga sida joogtada ahna ula soo wadaagaya waxyaabaha lidiga ku ah amniga si ay uga hortagaan ugana badbaadiyaan dadka iyo dalkaba ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Nabadsugida Jubbaland.

Sidoo kale Saraakiisha Nabadugida Maamulka Jubbaland waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga Guud ee Xaafadaha Magaalada Kismaayo.

Dhowr jeer ayaa waxaa qaraxyo miino oo ka dhacay Magaalada Kismaayo waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Saraakiil katirsan Maamulka Jubaland iyo dad Shacab ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here