Ciidanka xooga Gaarka ah ee dowlad Degaanka Soomaalida ee loo yaqaano liyuu Boolis ayaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay xaduudka Degaanka uu la wadaago Soomaaliya dhinaca Gobolka Bakool.

Saraakiisha ciidamada liyuu Boolis ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii looga hortegi lahaa weeraro ay Al-Shabaab kusoo qaadaan dhulka dowlad degaanka Soomaalida iyo qaraxyo laga cabsi qabo inay fuliyaan

Sidoo kale Saraakiisha oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ay sheegeen inay adkeeyeen amniga xaduudka u dhaxeeya dowlad degaanka Soomaalida iyo dhinaca Gobolka Bakool, isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen degaanka Yeed ee Gobolka Bakool, halkaas oo tuulooyin u dhow ay Ciidanka liyuu Boolis sheegeen inay la wareegeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here