Ciidanka Liyuu Polis ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo shacab Xasuuqay

0

Ciidanka Liyuu Polis ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dad badan oo shacab ah ku laayey Magaalada Raaso kadib mudaarahaad ka dhacey halkaas.

Dadka la dilay oo 9 qof gaaraya ayaa u badnaa carruur ka qeyb qaadanayey banaanbaxan, waxaana sawirada meydadka dadka la laayey lagu baahiyey baraha bulshada.

Dibed baxa ayaa looga soo horjeeday amar ka soo baxay dowlad degaanka Soomaalida oo sheegayey in la burburiyo shan tuulo oo ku yaalka aagga Salaxaad ee gobolka Baali ee Deegaanka Soomaalida.

Amarka lagu rarayo dadka degan tuulooyinkan ee ay soo saartey dowladda Deegaanka ayaa waxaa ka caroodey beesha Shiikhaal ee aagaas degta oo u aragta mid iyada lagu barakicinayo oo dhulkooda laguna dhaxalsiinayo beelo kale oo colaad soo jireen ay kala dhexeyso.

Odayaasha beelaha arintan ka biyodiidan ayaa hadda jooga Addis ababa iyagoo dowladda dhexe kaga dacwoonaya gumaad ay sheegeen in beeshooda iyo degaanadooda lagu beegsanayo.

Waxaa xusid mudan aagaas ay ka jireen colaado qaraar oo dad badan ku hoobteen oo socdey muddo labaatan sano ah, kuwaasoo u dhexeeyey beelaha Ogaadeen iyo Shiikhaal oo dhulkaas wada dega, maamulkana weli wax war ah kama soo saarin dadkan la laayey.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here