Taliska Ciidanka Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ee Gobolka Gedo ayaa Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ku soo bandhigay Nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa Al-shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay Ciidamada Nabadsugida Gobolka.

Magaca Ninka kasoo goostay Al-shabaab ayaa lagu sheegay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-shabaab, isagoona ka hadlay sababta keentay inuu isaga soo baxo Shabaabka.

Cabdicasiis ayaa wareysi lala yeeshay ayaa tilmaamay inuu Al-shabaab isaga soo baxay, kadib markii sida uu caddeeyay u adkeysan waayey xaalada ay ku suganyihiin, wuxuuna isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan Ciidanka Nabadsugida ee ka howlgala Gobolka Gedo.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar kala duwan oo horey sidaan oo kale u soo bandhigay xubno iyo Saraakiil ay sheegeen inay kasoo goosteen Al-shabaab, isku soo dhiibay Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolada.

Sdioo kale dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa iyaguna mararka qaarkood soo bandhiga Askar ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin Ciidanka dowladda Federaalka oo isku dhiibay, kana goosta dowladda Federaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here