Sida la ogyahay Ciidanka Gaarka ah ee NISA ayaa xalay howlgalo ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Warta-Nabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Howlgaladaan ayaa ka dambeeyay cabasho ka timid qaar ka mid ah shacabka Muqdisho taasoo la xiriirtay burcad iyo Tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.

Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor oo la kulmay qaar ka mid ah dadkii ka cabanayay Tuugada dhaca u gaystay, ayaa u sheegay in ciidamadu howlgalo ay wadaan sidoo kalana gacanta lagu soo dhigi doono qof kasta oo qal-qal galiya amniga magaalada.i

Inkastoo Intii lagu jiray Howlgalka waxaa lagu soo qabtay kooxo watay mindiyo, waxaana ciidamadu ay u gudbiyeen Booliska si baaritaano loogu sameeyo.

Sikastaba ha ahaate Magaalada Muqdisho waxaa 24kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay dhac xoogan oo ay geysteen burcad la sheegay in qaarkood ay wateen  dareyska ciidamada, waxaana dhaca shacabku uu gaaray heer guryaha loogu galo, lana boobo hantidooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here