Sida goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Abaare 8:00 fiidnimo caawa ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka hortagay isku day weerar oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool, meel qiyaastii 8 km u jirta magaalada.
Ciidanka Xoogga Dalka oo helay xogta cadawga oo ahayd dhaq-dhaqaaqa Khawaarijta ayaa si degdeg ah uga hortagay dhagartii ay maleeshiyaadku wadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo sababay khasaare culus oo soo gaaray kooxda.
Inta la xaqiijiyay, ciidamada ayaa dilay in ka badan 10 dhagarqabe, iyagoona gacanta ku dhigay hub ay ka mid yihiin qori nooca culus ee BKM ah iyo AK47.
Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Maxamed Yariis, oo la hadlay warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa xaqiijiyay guusha ay gaareen ciidamada, isagoo sheegay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta dhagarta usoo maleegta shacabka gobolka Bakool.
