Labadaan maalin waxaa aad loogu raftay su’aashaan, qof walba waxa uu uga jawaabay sida uu jecel yahay isagoo amaanta huwiyay qofka uu taageero.

Runtuse waxay tahay maba jiraan ciidan Xoogga dalka ah oo ladhisay, hadii ladhisayna waxaa ladhisay 1960kii oo ahayd sanadkii la aas aasay ciidanka xoogga dalka, balse su’aasha lawada raadinayo ee laysla fahmi waysan yahay ayaa ah yaa leh dib unidaaminta ciidanka xoogga dalka kadib burburkii? .

Jawaabta su’aashaan ayaa ah, waxaa bilaabay dib unidaaminta ciidanka xoogga dalka Madaxwayne sheeq shariif sheeq Axmed, waxaana meel dhaxe gaarsiiyay Madaxwayne Xassan Sheeq Maxamuud, waxaana heer fiican gaarsiiyay oo sarre dowladda hada jirta ee Madaxwayne farmaajo, waxaana nidaamkii ugu fiicnaay ee ciidanka Xoogga dalka uyeeshay awood & karti dajiyay Ra’isul wasaarihii hore ee Hassan Ali Khaire .
Waxa laysku haysto waa yaa Nidaamiyay? Ee maahan yaa dhisay?.

Ciidanka waxaa tababaray dowladda turkiga oo heshiiskeeda bilawday xiligii sheeq shariif, waxa uuna tababarka ciidanka xoogaystay xiligaan farmaajo, dhanka helitaanka maaliyad & mushaar sax ah & waliba tirikoobka saxan ee ciidanka awoodda kuyeeshay waxaa hagaajiyay Xassan Cali khayre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here