Ciidamada amniga, gaar ahaan Booliiska iyo Nabad sugidda ayaa caawa magaalada Dhuusamareeb ka bilaabay howlgallo balaaran oo amniga lagu xaqiijinayo.

Ciidamo aad u badan ayaa lagu dhex arkayaa wadooyinka magaalada, waxaana saraakiisha ciidanku wadaan kormeerro ay ku marayaan baraha control ee gudaha iyo daafaha magaalada.

Ugu dambeyntii saraakiishu waxay Radio Muqdisho u sheegeen inay warbaahinta la hadli doonaan markii ay soo gabagabeeyaan howlgalladaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here