Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhimatay musiibadii ugu xumeyd ee soo galootiga ee kanaalka, waxaana saraakiisha Faransiisku ay isku dayayaan in ay aqoon sadaan dhibbanayaasha ay doontu la dagtay.

Labo qof oo kaliya ayaa ka badbaadey, oo u kala dhashey Soomaaliya iyo Ciraaq, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Gerald Darmanin. Waxa uu intaa ku darey iney kasoo kabsanayaan qabaw aad u daran, oo si xun hoos ugu dhigay heerlkulkooda, iyadoo su’aalo la weeydiin doono marka ay duruufta saamaxdo.

 

Lama ogo in Soomaali kale ay saarnaayeen doonida qallibantay iyo inay ku dhinteen.

 

Laakiin wax yar ayaa laga og yahay, kuwa aan badbaadin ee badda ku qaraqmey, markii doonida la aaryeeyey ay sii deysay aaryadii ku jirtey, ayna ku quustey meel u dhaw dekedda magaalada waqooyi ee xeebeedka ah ee Calais.

 

Dadka dhintey waxaa kamid ah 17 rag ah, toddobo dumar ah, iyo saddex carruur ah, sida ay BBC-da u sheegay dacwad oogaha magaalada Lille. Duqa magaalada Calais, Natacha Bouchart, ayaa sheegay in mid kamid ah haweenka dhintay ay lahayd uur, halka mid kamid ah carruurta dhintayna ay ahayd gabar aad u yar.

 

Waxaa socda baaritaanno dhanka hida sidaha ah, balse ma jirto cid weli la aqoonsaday.

 

Qaar badan oo kamid ah dadkani waxey u safreen Faransiiska, iyagoo kasoo amba baxey Bariga Dhexe, sidaasi waxaa u soo waramaya ilo aan la xaqiijin karin. BBC-da ayaa la hadashey dhowr hey’adood oo samafal ah, kuwaasoo sheegay in dadka dhintey intooda badan ay u muuqdaan in ay yihiin Kurdiyiinta Ciraaq iyo Iiraan. Qaar ayaa laga yaabaa inay ahaayeen Carab, Afghanistan, iyo sidoo kale Iraaniyiin.

 

Masruur Barzani, oo ah ra’iisal wasaaraha gobolka Kurdistan ee Ciraaq, ayaa sheegay in masiibadan ay tahay mid xasuusin karta khatarta “Tahriibka sharciga aan waafaq saneyn, iyo kuwa wax tahriibiya, ee dadka iney dhintaan ka shaqeeya”.

Handa Majiid, oo ah aasaasaha ururka samafalka ee dallada Kurdiyiinta, ayaa sheegtay iney la xiriirtey ilo kala duwan, kuwaaso isku dayaya iney ogaadaan asalka ama hida raaca dadka dhintey.

 

Marka loo eego cilmi baaristeeda, intooda badan waxey u muuqdeen iney yihiin Kurdiyiinta Ciraaq, ayey tidhi, taasna wax lala yaabo ma aheyn.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, ayaa sheegay in booliisku aysan hubin dhalashooyinka dadka la baarayo, maadaama midkoodna aanu heysan wax aqoonsi ah.

 

“Ma ahan wax caadi ah in dadku safraan aqoonsi la’aan, marka ay dibadda u amba baxayaan,” ayuu yiri Stuart Luke, oo ah qaryaqaan ku takhasusay kiisaska dadka magangalyo doonka ah, ee la xiriira carruurta aan lala soconin.

 

Sababo dhowr ah ayaa jira, ayuu u sheegay BBC-da. Dadka qaar ayaa ka been sheegay asalkooda, si ay u korodho fursadda ay ku heli karaan magan galyo, halka qaar kalana ay ka yimaadeen dalal aan dhaqan u laheyn qaadashada waraaqaha aqoonsiga, ayuu yiri qareenku

Tiradii ugu badneyd ee muhaajiriinta ah, ayaa toddobaadkii lasoo dhaafey ka gudbaayey dalka Faransiiska, kuna sii jeeday dhanka iyo dalka Ingiriiska. In ka badan 25,700 oo qof, ayaa doomo yar yar ku tagey Ingiriiska, kaasoo ah safar khatar badan oo dhacey sanadkan, kuwaasoo ka badan saddex laab tirada guud ee sanadkii hore ee 2020-ka.

 

Ugu yaraan toban qof oo kale, ayaa loo malaynayaa inay dhinteen, iyagoo isku dayaya iney ka gudbaan dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafey kanaalka.

Weriyaha BBC-da Lucy Williamson, ayaa sheegtay in masiibadii Arbacadii dhacdey, ay keentay iney is casilaan madax.

 

Laakiin waxey sheegtay in qaar badan oo kamid ah muhaajiriinta ay go’aan sadeen iney mar kale ka gudbaan kanaalka, iyagoon loo eegin khataraha. Qaar badan, ayaa aaminsan in loo bareero khatarta, maadaama ay u qalanto in lagu gaaro Ingiriiska. maanta oo Khamiis ah muhaajiriin kale ayaa ka talaabay kanaalka si ay u gaaraan Ingiriiska.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here