MUQDISIO (DAYNIILE.COM)-Ciyaartoyda Hirshabelle iyo Gal-mudug ayaa xalay  si kala gaar gaar ah waxaa loogu sameeyay kulamo dhiiri-gelin ah oo ay soo qaban qaabiyeen Xildhibaano faderaalka oo maamuladaasi ka soo kala jeeda.

Ciyaartoyda iyo Macalimiinta ayaa soo xaadireen xili masuuliyiintuna hadalo guubaabo ah dhiri-gelin afka ah iyo mid dhaqaalaba soo bandhigeen.

Advertisement

Ciyaartoyda Hirshabelle oo xaflada Xamar ka hor Balcad lagu soo casuumay ayaa halkaasi looga soo balan qaaday wiilkii kooxda guul ku horseeda in Gabar uu guursado la siin doono.

Dhanka Galmudug Xildhibaanad Qaali Shirre ayaa iyaduna lacag xalay gudoonsiisay wiilasha Galmudug taasoo ay horumaris ku sheegtay inkastoo aan cadadka lacagta goobta laga sheegin.

Si kastaba kulanka Fiinaalaha ee Isniinta dhici doona ayaa lagu kala bixi doonaa, kooxda sanadkaan koobka geyn doonta caasimadeeda,Dhuusa-mareeb mise Jowhar.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleWiilkiisa ayuu usoo iibiyey cabitaan wax yar kahor inta aan geeridiisa la ii sheegin’ Xaaska dhaqtarkii la dilay
Next articleBaarlamaanka Germany oo qaaday Talaaho ka farxisay soo galootiga dalkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here