HomeWarkiiCodeynta Doorashada Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari oo goor dhaw bilaabaneysa iyo Sedexda...

Codeynta Doorashada Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari oo goor dhaw bilaabaneysa iyo Sedexda Musharax ugu cad cad

May be an image of 5 people and textLAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Waxaa hada Laas-caanood lagu sii qul qulayaa hoolka ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Somalia iyadoo 5 musharax ay u taagan yihiin xilka Madaxweynaha halka 5 kalana ay u taagan yihiin madaxweyne ku xigeen.

Musharixiinta ayaa intooda badan goor dhaw waxay soo gaareen hoolka doorashadu ka dhacetso iyadoo lagu wado in wax yar kadib au bilaabato Doorashada.

Hogaamiyaha hada xilka haya C/qaadir Firdhiye oo wariyayashu kaga hortageen hoolka inta uusan gudaha u galin ayaa isagoo aad u faraxsan wuxuu muujiyay sida uu isugu kalsoon yahay oo uu u rajeynayo in xildhibaanadu isaga doortaan.

“Sidaad ogtihiin waxaan ahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi bari,waxaan dareemayaa inaan ahay qofka mudan inuu mar kale hogaamiyo Maamulka”ayuu yiri C/qaadir Firdhiye

Sidoo kale Musharax Jamaal ayaa isna muujiyay rajadiisa inuu guuleysto,sidoo kale wuxuu sheegay inuu la shaqeyn doono Maamulka hadii isaga ;laga guuleysto.

Waxaa sidaas oo kale wariyayaasha la hadlay Musharax Dr Khaliif  kaasoo dhankiisa muujiyay in rajadiisu aad u sareyso.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

May be an image of 3 people, dais and newsroom

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -