Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka ayaa ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka socday maalmihii ugu dambeeyay xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe kaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowlada iyo macawisleyda oo dhinac ah iyo alshabaab.
Sarkaalkaan oo ah Taliyaha guutada 5-aad qetbta 27-aad ee ciidamada Xooga Col.Baakaay ayaa wareysi uu siiyay TV-ga qaranka wuxuu ku sheegay in Alshabaabkii ugu badnaa dhawaanahaan lagu dilay dagaalada ka socda xadka Gobolada Hiiraan iyo Shaneelaha dhexe gaar ahaan deegaanada Tawakal iyo Ceel-hareeri.
Col.Baakaay wuxuu xusay in Al-shabaabka badan ee ciidamada Dowlada iyo macawisleydu dileen ay ku jiraan ajaanib ka bar bar dagaalameysay dagalamayaasha Alshabaab.
“Deegaanka Tawakal ayaa lagu dilay alshabaabkii ugu badnaa oo ay ku jiraan ajaanib iyo amiiro kooxda hogaamineysay”ayuu yiri Col.Baakaay
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM

