Col.Cali Dhuux iyo Cali Jeyte oo saraakiil,Ciidamo iyo Nabadoono kula hadlay Magaalada Maxaas ayaa ka hadleen dagaalkii dhawaan ka dhacay Degmada Moqokori oo ugu danbeyn Alshabaab ku qabsadeen ayaa dhiiri-gelin u sameeyay ciidamada.
Col.Cali Dhuux oo hadalo kooban jeediyay ayaa soo tiriyay deegaanada iyo degmada saacadihii ugu dambeeyay alshabaab qabsadeen wuxuuna mid mid markii uu u tiriyay macawisleyda kula katamay hadana inay u diyaarsan yihiin inay Maxaasna ka baxaan.
“Waxaan kasoo cararnay Gumare, Ceel-Harerei, Moqokori , hadana Degmada Maxaasna inaan ka cararno hadaan u taaxeydanahay yaanan is lugeyn, haduu jiro qo yaqaan meel kale oo aan aadno hanoo sheego”ayuu yiri Col. Cali Dhuux
Korneelka wuxuu oo dhiiri-gelinayay ciidamada wuxuu ku nuux nuuxsaday in awalba dhiiga macawisleyda ay dadku ku bad-baadi jireen hadana ay diyaar u noqdaan inay dhiigooda huraan.
Sidoo kale Col.Cali Dhuux wuxuu meesha ka sheegay inay hada kadib sida Dowlad u dagaalami doonaan oo horin horin iyo aag aag loo dagaal geli doono islamarkaana ay meesha ka bixi doonto Jio hebeleey meeshaas ka bax.
Dhanka kaler Cali Jeyte Cismaan oo isna hadalo kooban ka jeediyay goobta ayaa ciidamada u sheegay in Dowladu bixin doonto gunada ciidamada iyo qoysaskooda islamarkaana ciidamada la lis gareyn doono si bishaanba loo siiyo mushaarkooda.
XAFIISKA WARARKAÂ
DAYNIILE.COM
