Garowe (dayniiile.com)-Col. Jimcaale Jaamac Takar oo ah Taliyaha ciidanka Danab ee Puntland  ayaa si kulul kaga jawaabay hadalkii Madaxweynaha Puntland Saciid Dani ee ahaa inuu isaga cafis u fidiyay.

Col. Jimcaale Jaamac Takar wuxuu xusay in Saciid Dani yahay dambiile islamarkaana isaga laga rabo inuu cafis weydiisto  Shacabka Puntland  Ciidamada kumaandooska Danab.

Advertisement

“isagaaba danbiile ah Saciid Dani,wuxuuna masuul ka yahay dagaaladii ka dhacay Garowe iyo Kismaayo”ayuu yiri Col Jimcaale Jamac.

Dhanka kale Korneelka wuxuu tilmaamay inay ku taagan yihiin oo ay taageersan yihiin go’aankii Isimada Puntland ee ahaa in doorashada waqtigeeda lagu qabto islamarkaana aanan la aqbali karin mudo kororsi.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka Col Jimaacale oo xalay soo baxay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here