HARGEYSA (DAYNIILE.COM )-Col. Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) oo ka tiran Saraakiisha Milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada Gor-Gor ayaa dib u helay xoriyadiisa kadib markii dhawaan ay xabsiga dhigeen ciidamada Maamulka Somaliland xilii u ku sugnaa Magaalada Wajaale inkastoo Hargeysa loo soo gudbiyay.
Col.Ciraaqi ayaa tan iyo arbacadii wuxuu ku xirnaa Xabsiga Magaalada Hargeysa halkaasoo maanta ugu danbeyn laga sii daayay,wararka ayaa intaasi ku daraya in maamulka Somaliland ay gaarsiiyeen xuduuda Wajaalle, waxaana galabta uu gaaray Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Lama yaqaan waxa maamulka Somaliland ay ku eedeeyeen oo ay ilaa ku dhawaad asbuuc u heysteen xili ay ka qabteen magaalada xuduud beeneedka Wajaale oo ah halka ay iska galaan Somalia iyo Itoobiya.
Dhanka kale Wasaarada Gaashaandhiga Dowlada Somalia wali si rasmi ugama hadlin xariga sarkaalkaasi ka tirsan guutada Gor-gor ee Milateriga Soomaaliya,dadaalka ugu badan ee lagu sii daayay waxaa sameeyay ismaamulka Somalida Itoobiya oo Somaliland ku cadaadiyay inay Xasan Ciraaqi iska soo daayaan wayna ku guuleysteen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
