HomeCiyaarahaCristiano Ronaldo oo gaadhay rikoodh cusub

Cristiano Ronaldo oo gaadhay rikoodh cusub

XIGASHO LAACIB.NET

Xiddiga weyn ee reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa mar kale kor u qaaday heerka rikoorada kubadda cagta, isaga oo sii dheereystay hoggaanka gooldhalinta kubadda cagta ee taariikhda caalamiga ah.

Ronaldo ayaa labo gool ka dhaliyay Armenia, taas oo tiradiisa guud ee goolasha caalamiga ah ka dhigtay 140 gool 222 ciyaarood. Tani waa ugu yaraan 26 gool in ka badan ciyaaryahan kasta oo rag ah oo taariikhda soo maray.

Kabtan Ronaldo ayaa wali muujinaya awooddiisa gooldhalinta, isagoo 10 jeer shabaqa soo taabtay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu u saftay Portugal. Waxa uu sidoo kale gool dhaliyay afartii kulan ee ugu dambeeysay ee uu ciyaaray, iyadoo ay ku jiraan kuwo muhiim ah oo ka dhan ahaa Denmark, Germany, Spain iyo laba gool oo uu ka dhaliyay Armenia.

Guulahan caalamiga ah ayaa ku darsamaya tirada guud ee goolashiisa xirfadeed oo haatan ah 942 gool, taas oo ka dhigan inuu aad ugu dhow yahay inuu gaaro rikoorka aan hore loo maleysan karin ee 1000 gool.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -