Advertisement

Advertisement

Ka dib markii uu gunta ka qabtay xubantiisa taranka dhamaadkii ciyaartii dhaweyd

Cristiano Ronaldo waxa uu wajahayaa baaqyo ah in laga masaafuriyo Sacuudi Carabiya sababo la xiriira “anshax xumo dadweyne”.

Ka dib guuldaradii Al-Nassr ee 2-0 ka soo gaartay Al-Hilal isbuucii hore, weeraryahanka reer Portugal ayaa u muuqday mid muujiyay markii uu garoonka ka baxayay dhaqan aan wanaagsaneen

Cristiano Ronaldo ayaa markii uu garoonka ka soo baxayay qabsatay xubantiisa Taranka
Ronaldo ayaa niyad jabay kadib guuldaradii 2-0 ay ka soo gaartay kooxda Al-Hilaal

Markii Ronaldo, oo 38 jir ah, uu ku soo laabtay qolka beddelka, taageerayaashii ay xafiiltamaan waxay ku dhawaaqayeen “Messi, Messi.”

Qareen u dhashay Sacuudiga ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in ay Wasaaradda Dadweynaha ee Sacuudiga u gudbin doonto codsi ay kaga codsaneyso in Ronaldo la masaafuriyo kadib markii uu gacanta ku qabtay xubinta Taranka

Baraha bulshada, Prof. Nouf bin Ahmed, oo sidoo kale u shaqeeya Qaramada Midoobay, ayaa ku qoray: Anigu ma raaco ciyaaraha. Ronaldo ma uusan garaneyn sida uu ugu jawaabo, xitaa haddii taageerayaasha ay ka xanaajiyeen.

“Qaabka uu u dhaqmo Cristiano waa qalad. Fal dadwayne oo anshax-xumo ah ayaa ka mid ah dambiyada qofka ajnabiga ah lagu hayo laguna masaafurinayo.

“Waxaan u soo bandhigi doonaa codsi ku saabsan adeegga dadweynaha.”

Barnaamijka ciyaaraha ee ugu caansan Sacuudiga, Action ya Dawri, ayaa arrintan waxaa lagu falanqeeyay saacado badan iyadoo taageerayaasha kale ay baraha bulshada ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin.

Dhinaca kale Al-Nassr oo u dhuun daloola arrimaha gudaha ayaa sheegay in Ronaldo uu xubinta Taranka qabsaday maadaama uu ku dhacay goobtaas intii ay ciyaartu socotay.

Kooxda Sacuudiga ayaa tan ku xaqiijisay sharraxaad soo socota, taasoo u qorneyd: “Ronaldo wuxuu la kulmaa arrin jireed.

“Caqabada uu ku wajahay ciyaaryahankii Al-Hilal Gustavo Cuellar wuxuu ku bilowday dharbaaxo ku dhacday meel xasaasi ah.

“Macluumaadkan waa la xaqiijiyay. Sharaxaada ay bixiyaan taageerayaashu gabi ahaanba iyagaa ku xidhan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee El Desmarque, saxafiga Sacuudiga ee Ozman Abu Bakr ayaa ku tilmaamay dhaqdhaqaaqa Ronaldo “Mooshin aan fiicneyn oo aan laga fiirsan oo ka dhan ah dadka daawanaya” – wuxuuna dalbaday in heshiiskiisa la soo afjaro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here