XIGASHO LAACIB.NET
Ciyaaryahanka reer Portugal Cristiano Ronaldo, oo ah kabtanka Al Nassr iyo xulka Portugal, ayaa sii hurinaya wararka ku saabsan goorta uu ka fariisan doono ciyaaraha, iyadoo dadka badan ay saadaalinayaan mustaqbalka dhow.
Ronaldo oo ka hadlayay wareysi uu bixiyay, waxaana hadalladiisa soo xigatay wargeyska Al-Yawm ee Sacuudiga, ayaa si kaftan ah u sheegay:
“Ma fariisanayo hadda… laga yaabee 10 sano kadib.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Horyaalka Sacuudigu si xawli ah ayuu ku horumarayaa, waana ku faanayaa inaan qeyb ka ahay mashruuc weyn oo sidan u ballaaran.”
Ronaldo waxa kale oo uu sheegay:
“Koobka Adduunka ee 2034 waxaa martigelin doona Sacuudi Carabiya, aniguna waxaan ka tirsanahay Boqortooyada Sacuudiga. Dalkaasi wuxuu ku jiraa qalbigeyga, waxaana rajaynayaa inaan qayb ka noqdo mashruucaas.”
Ugu dambayn, Ronaldo ayaa ku soo gabagabeeyay:
“Waxaan go’aansaday inaan imaado Sacuudiga saddex sano ka hor, sababtoo ah waxaan aaminsanaa mustaqbalka kubadda cagta inay halkan jirto. Had iyo jeer waxaan arkaa jacaylka iyo xamaasadda indhaha taageerayaasha.”