XIGASHO LAACIB.NET
Difaaca Chelsea Marc Cucurella ayaa sheegay in kooxda ay u baahan tahay inay dadaal kasta u gasho si ay u joojin lahayd Lamine Yamal iyo Barcelona, ka hor kulanka Champions League ee ka dhacaya Stamford Bridge.
“Waa inaan sameynaa dadaalkeenna ugu fiican si aan u joojino Lamine Yamal iyo Barça. Aad ayey u adag tahay inaad ka hortagto ciyaartoy sidan oo kale ah, sababtoo ah waa hiboole-yaal gaar ah oo leh tayo badan.”
Wuxuu sii raaciyay:
“Arrintu ma aha Lamine iyo Cucurella oo keliya. Waa ciyaar weyn, annaguna waa inaan ciyaar weyn soo bandhignaa.”
Inkasta oo Cucurella badanaa uu uga ciyaaro Chelsea booska dhexda ee daahsoon, haddana kulankan waxa la filayaa inuu si buuxda ugu laabto booskiisa daafaca bidix, si uu ula tacaalo Lamine Yamal, oo hadda loo arko garabka midig ee ugu fiican adduunka.
Barcelona iyo Chelsea ayaa ku kulmaya Stamford Bridge, kulan Champions League ah oo heerkiisu sarreeyo, iyadoo guuleystaha uu qaadan doono saddexda dhibcood ee kulanka.
XIGASHO LAACIB.NET
