MOMBASA (DAYNIILE.COM)-Waxaa Dalka Kenya ku sii faafaya cudur indhaha ku dhaca kaasoo taabashana lagu kala qaado.

Cudurkaan ayaa lagu gartaa indhaha oo ku guduuta,Barar,cun-cun iyo malax mararka qaar sida durba ay dhaqaatiirta Soomaalida iyo Kenyaankuba sheegayaan.

Advertisement

Magaalada Mombasa ayuu hada ku badan yahay cudurkaan wxaana hay’adaha caafimaadku bilaabeen inay ka wacyi geliyaan dadka.

Masuuliyiinta caafimaadka ee ismaamulka Mombasa-Kenyaayaa muujinaysa in 1000 qof ay kor u dhaafeen dadka uu cudurku ku dhacay sida BBC-du sheegtay.

Dr Abdisamad Dhimbil oo ah Dhakhtar Guud kana howlgala cisbitaalka Zaz ee Nairobi ayaa BBC u sheegay in cudurkaani salkiisu yahay caabuq ka yimaada Jeermisyo kala duwan, Kiimikooyin, Xasaasiyad, xaalado caafimaad oo gaar ah iyo Fangas.

Sidoo kale dhaqtarka wuxuu sheegay in Caabuqa sababaya cudurka uu beegsado qaybta cad ee Indhaha, taasi oo keenaysa indhuhu inay guduutaan, ka dib uu yimaado cuncun iyo in la dareemo gubasho iyo Illin badan iyo mararka qaar  Malax lagu arko qaar kamid ah bukaanada iyo indhaha oo bararaya.

Cudurkaa waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka sida salaanta gacaha la is geliyo iyo shey kasta uu taabto qofka qaba inuu taabto qofaan qabin ,waxayna dhankaasi isku calaamad ka yihiin cudurkii halista ahaa ee Covid19.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

il

Previous articleMacalin Cr/raxman Maclow oo la aasay
Next articleMadaxweynaha Somalia oo saxiixay heshiiska Amni ee Turkey iyo Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here