Waxaa soo kordhaya dadka Soomaaliyeed ee la sheegayo inuu asiibay cudurka HIV/AIDS xili in mudo ahba Soomaaliya ay dunida kaga jirtay dalalka ugu yar ee uu ka jiro cudurkaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Lix Bilood gudahood uu cudurkaani asiibay 11 kun ruux oo Soomaali ah mana la sii faahfaahin sida gobolada iyo caasimadu u kala badan yihiin.
Advertisement
Tababarro ku aadan wacyigelinta bulshada waxaa Xamar ka wada xiligaan Guddiga ka hortaga HIV/AIDS-ka ee Soomaaliya, tababarkaan waxaa lagu baranayaa siyaabaha lagu kala qaado iyo dhibaatooyinkiisa.
Sida ay sheegtay Idaacada VOA-da Tababarkii ugu danbeeyay waxaa loo qabtay ardayda Jaamacadda Gahayer ee magaalada Muqdisho,
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM