Laba ka mida Culumaa’udiinka Ahlu-suna oo ku sugan Nayroobi ayaa ka hadlay dagaalada ka socda Dalka kaaso u dhexeeya Dowlada Soomaaliya iyo kooxda Alshabaab.

Sida ay baahisay Idaacada Kulmiye Sh. Aweys Cabdi Cali iyo sh.Maxamed Cali Ciisesida oo ku wada sugan Nayroobi ayaa tilmaameen in Dagaalka looga soo horjeedo Alshabab asal ahaan ay iyagu bilaabeen.

Advertisement

“Anagaa tusnay Soomaali in Al-shabaab lala dagaali karo midnimo iyo juhdi ayaana kaga hortagnay”ayuu yiri sarkaalkaasi u hadlay Ahlu-suna oo intaas ku daray inay dhankoodii wali wadadii  ku taagan yihiin

Waxay ugu baaqeen Shacabka in Madaxweynaha iyo Dowkada lagu taageero Dowlada ka dhanka ah khawaarijta Alshabaab,iyagoo dhankooda sheegay inay soo dhaweynayan dagaalka ayna garab istaagayaan Dowlada Soomaaliya.

“Inagaa soo bilownay dagaalka  sanado badan ka hor waana ku faraxsanahay  in hada Dowlad iyo shacaba la arko qatarta alshabaab” ayaa mar kale lagu yiri warka Culamaa’udiinka.

Sidoo kale Culumada Ahhlu-suna waxay Dowlada ugu baaqeen inay kaga hortagaan Alshabaab caqiido iyo midnimo,madaama Alshabab ku dagaalamayaan fikir iyo caqiido faasid ah sida ay sheegeen.

Sh Aweys Cabdi Cali iyo sh.Maxamed Cali Ciise waxay soo hadal qaadeen wiilkii dhawaan naftiisa u hurey madaxda Galmudug kaasoo ay xuseen inuu caqiido kaga hor-tagay Alshabaab,loona baahan yahay in isaga camal hogaan ka dhigtaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here