Wajeer  (dayniiile.com-Qaar ka mida Culimaaudiinka ismaamulka Wajeer ee Dowlada kenya maamusho ayaa ka haday dhalinyarada baraha bulshada gaar ahaan gabhaha kuwooda sida xun u adeegsada aaladaha baraha bulshada.

Culimadaan oo saxaafada isku wacay ayaa ka digay waxyaabaha baraha bulshada ku soo badanaya ee munkar ah iyo tarbiyad la’aanta caruurta.

Advertisement

Culumadaan ayaa  baaq u diray dhallinyarada gaar ahaan Gabdhaha isticmaala baraha bulshada ee soo geliya muuqaalada anshaxa xun iyagoona ka digay arinkaasi.

Dhanka kale Cuklumada saxaafada la hadashay waxay eede inta ugu badan dusha uga tuureen waalidiinta oo laga rabo inay tarbiyad wanaagsan ilmaha ku koriyaan.

“waalidiin waxaad arkeysaa la socda ama fadhiya goob caruurtoodii oo qaawan la leeyahay heesa ka qaada,walaalayaal Alle ka cabsada oo caruurta tarbiyadooda hala hagaajiyo”ayuu yiri mid ka mida Culumada

Wadaadkaan wuxuu ku adkeeyay waalidiinta in Caruurta lagala dagaalo dharkooda,aqlaaqdooda iyo xitaa tintooda.

“Gabdhaha hada heesaha loo dhiibaayo hadey bari baararka gasho adaa haleeyay ogoow”

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleHoobiyayaal Saaka ku dhacay Xaafado Muqdsho ka tirsan
Next articleGudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhuusa-mareeb gaaray+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here