HomeWarkiiCulumo quraan akhrineysay oo lagu xasuuqay duleedka Deg.Warsheekh

Culumo quraan akhrineysay oo lagu xasuuqay duleedka Deg.Warsheekh

WARSHEEKH (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya kooxo hubeysani duleedka Magaaladaasi ku laayeen dad shacab ah waliba ahaa culumaa’uidiin xiligaasi quraan akhrineysay.

Kooxo hubeysan oo loo maleynayo inay hab beeleed u abaabulnaayeen ayaa soo weeraray guri ay culumaa’udiin ku akhrinaayeen quraanka kariimka iyagoona rasaas ooda uga qaaday taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac badan.

inta laga war hayo ilaa 4 ruux ayaa dhimatay kuwaasoo dhamaantood ka mid ahaa culumimadii khuraanka akhrinaysay waxaana loo aaneynayaa dagaal beeleed iyo kala aargoosi qabiil oo in muda ahba ku soo noqo noqonayay Magaaladaasi iyo deegaanada ku xeeran.

Qaar ka mid ah dadkii weerarkaani ku dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe,midka Warsheeh iyo guud ahaan midka Hirshabelle midkoodna wali war kama soo saarin dhacdadaani naxdinta leh ee saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay duleedka Magaalada Warsheekh, sidoo kale masuuliyiintu xal waa u la’yihiin dagaal beeleedyada soo noq noqday.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -