Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya kulan gaar ahaa ku yeeshay Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya e Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenka Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ee Tim P. Trenkle.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaaladda dalka, amniga iyo doorashooyinka Puntland ee khilaafka uu ka taagan yahay, iyada oo Ra’iisul Wasaarayaashii hore ay Safiir kuxigeenka Warbxiin ka siiyeen Shirkii Muqdisho iyo xiisadda ka taagan Puntland.

Advertisement

Safiir kuxigeenka ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasarayaashii hore ee daka dadaalka ay ku bixiyeen xal u helida muranka doorashooyinka Puntland iyo ka qyeb galka shirkii Madaxda dowladda iyo Madaxdii hore.

Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya e Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo Cabduweli Maxamed Cali Gaas oo weli Muqdisho ku sugan ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kale oo gaar gara ah la yeeshaan Wakiilada Beesha Caalamka eek u sugan muqdisho.

Previous articleWararkii ugu dambeyay dagaal ka dhacay G/Gedo & Ciidamada Jubbaland oo degaano la wareegay
Next articleDhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaal dhexmaray laba Beelood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here