MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Siyaasiyiinta kala ah Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah mucaaradka samatabixinta ee dhawaan Dowlada heshiis la galay ayaa maanta Gudiga doorashooyinka Qaranka ka qaatay shahaadada Urur siyaasadeednimo.
Isu geyn maanta kaliya waxaa shahaadooyinka la gudoonsiiyay 14 Urur siyaasadeed kuwaasoo diyaar u ah inay u tartamaan doorashooyinka heer state iyo midka faderaalka ee qof iyo codla ah.
Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka C/kariin ayaa gudoomiyayaasha urur siyaasadeedyada dhamaantood mid mid u gudoonsiiyay shahaadooyinka Ururnimo.
Cumar C/rashiid oo hadalo kooban jeediyay ayaa sheegaya inay isku diwaan geliyeen oo shahaadana u qaateen si ay uga qeybqaataan doorashooyinka dalka ka dhici doona ee qofka iyo codka ah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
