HomeWarkiiCumar C/rashiid ma wuxuu helay xog sheegeysa in Dowlad Goboleedyada gacanta loo...

Cumar C/rashiid ma wuxuu helay xog sheegeysa in Dowlad Goboleedyada gacanta loo gelinayo maamulka doorashada xildhibaannada

Cumar cRashiid: “Waa Qalad Weyn in Muwaadin Soomaaliyeed loo Gacangeliyo  Itoobiya” (dhegayso) – Radio DaljirRa’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliy Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa  kla dhawaajiyay inay jirto qorshe Dowladu dooneyso inay maamulka doorashada xildhibaannada heer federaal ku wareejiso maamul Goboleedyada.

Siyaasigaan ayaa Dowlada uga digay in Dowlad Goboleedyada gacanta loo geliyo maamulka doorashada xildhibaanada soo socda isagoo carabka ku adkeeyay inay talaabadaasi dalka dib usii dhigi karto,wuxuu ku eedeeyay madaxweynayaasha hada haya xilka Maamul Goboleedyada inay horey u boobeen kuraastii doorashadii hore.

” tallaabadaas waxay dalka gelin kartaa xaalad ka sii xun tii doorashadii hore ,waan uga digeyna Dowlada Somalia inay qaado talaabadaasi oo noqon doonta khalad weyn oo laga galay shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Cumar C/rashiid

Cumar Cabdirashiid wuxuu intaasi ku daray in hadii madaxweynayaasha maamul Goboleedyada hada jooga hadii mar kale fursad la siiyo inay tahay qalad kale oo Dowladu ka galeyso shacabka isagoo carabka ku adkeeyay inay mar kale sameyn doonaan madaxda maamuladu boob kale.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -