Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake kana tirsan Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada ee xukun doonka ah ayaa ugu baaqay Maamulka Puntland inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku sii daayaan Markabka MW Sea World ee rarnaa Dowlada Turkey.
Cumar C/rashiid wuxuu cadeeyay in arintaan ay ka wada hadleen isaga iyo safiirka Turkey islamarkaana uu u xaqiijiyay in Markabka MW Sea World uu iyaga u rarnaa oo ay u soo wadeen dhanka Magaalada Muqdisho.
Cumar C/rashiid wuxuu intaasi ku daray in Safiirku sheegay in hubka saaran Markabka ay u soo wadeen xeradooda Muqdisho ee Turkisom halkaasoo ay tababaro ku siiyaan ciidamada Dowlada ee Milateriga ah.
“Safiirku wuxuu ii cadeeyay in hubka ay ku qalabeyn rabaan ciidamo Soomaaliyeed oo dhawaan ay tababar u dhameeyeen islamarkaana sdo harci ah lagu soo raray hubkaasi”ayuu yiri Cumar C/rashiid
Siyaasigaan oo asal ahaan ka soo jeeda Puntland ayaa Maamulka Saciid Dani ugu baaqay inay iska fasaxaan Markabka oo aysan waqti kale sii heysan madaama uu sido sharci ah ku socdaalayay sida Dowlada Turkey cadeysay.
“Markabkaani wuxuu siday qalab ciidan oo sharciyeysan, waxaana loo waday xarunta tababarka ciidamada Soomaaliyeed ee TURKISOM,waxaana lagu qabalayn rabaa hubka ciidamo Qaranka somaliyeed ah sidaas daraadeed Puntland waa inay iska fasaxdo”ayuu yiri Cumar C/rashiid
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
