HomeWarkiiCusmaan Dubbe oo ku laabtay Hargeysa, eed ba'ana u jeediyay Madaxweyne Xassan

Cusmaan Dubbe oo ku laabtay Hargeysa, eed ba’ana u jeediyay Madaxweyne Xassan

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Siyaasiga ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Somalia ee Cusmaan Dube oo dhawaan iska casilay xuninimadiisa xildhibaanka aqablka sare ee Dowlada Somalia ayaa dib ugu laabay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland halkasoo uu asal ahaan ka soo jeedo.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ayaa lagu soo dhaweeyay siyaasigaan oo mudo sanado ah ka tirsanaa Dowlada Somalia xili uu aaminsanaa midnimada Somalia weyn balse dhawaan wuxuu doortay inuu ku laabto dadkiisa oo aminsan inay Somali inteeda kale ka go’een.

Siyaasigaan ayaa bishii hore iska casilay Xildhibaanada Somalia isagooan eedeyn badan u jeediyay Dowlada Somalia, wuxuu si rasmi ah daboolka uga qaaday inuu ka tanaasulay aragtidii midnimada Soomaaliya taasoo ugu danbeyn dhaxalsiisay inuu dib ugu laabto Maamulka gooniu goosadka Somaliland.

Mar uu hadalo ka jeedinayay soo dhaweyntiisa ayuu edeyn u jeediyay Madaxweyne Xassan iyo guud ahaan Dowlada isagoona dhanka kalana amaan u jeediyay Alshabaab isagoo sheegay inay Muqdisho ku hareereysan yihiin.

“Muqdisho Afarta Kooni Alshabab  ayaa ka taagan, Xasan Sheekh Lafihii Midnimada ayuu cunay,Xasanow midnimada aad dooneyso calooshaaday ku jirtaa” ayuu yiri Cusmaan Dube

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa caan ku ah inay Muqdisho u yimaadaan si ay awood qeybisaga beeleed ee Dowlada ku matalaan reerahooda waqooyiga balse markey mudo joogaanba mid ama laba ayaa dib ugu laabta Hargeysa ,laakiin hal shuruud ayaa kaga xiran waana inuu Dowlada Somalia ka soo baxa dibna u shaaciyaa inuu ka tanaasulay aragtidiisa midnimada Somaliaweyn.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -