HomeWarkiiDaacish oo sheegatay qaraxa dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Masaajid...

Daacish oo sheegatay qaraxa dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Masaajid ku yaal Caasimada Dalka Pakistan

ISLAMABAD (DAYNIILE.COM)-Kooxda Daacish ama IS ayaa si rasmi ah u sheegatay masuuliyada qarax shalay khudbadii jimcaha lala eegtay Masaajid ku yaal Magaalada Islamabad ee caasimada Dalka Pakistaan halkaasoo dad badan ay ku dhinteen.

Sida Warbaahinta dunidu warisay qaraxa waxaa ku dhintay dad ka badan 30 ruux halka dhaawucuna yahay 170 dad ka badan,waxaana la sheegay in Masaajidkaasi ahaa mid ay leeyihiin Shiicada Pakistan.

Dowladaha Pakistan,Hindiya iyo Afgaanistaan ayaa dhamaantood cambaareeyay walow Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan uu sheegay in qofka ka dambeeyay qaraxa uu ka yimid una laabtay Afganistaan,sidoo kale India ayaa eedeymo u jeediyay.

Qaraxaan masaajidka Shiicada lala eegtay waxaa loo diiwaan geliyay inuu yahay kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Islamabad muddo ka badan toban sano.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -