BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa shalay howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen degaanka Cadayle ee togga Baallade ee buuraha Gobolka Bari halkaasoo ay tira badan oo daacish ah ku dileen.
Sida laga soo xigtay Ciidamada Maamulka Puntland waxay howlgalkaani ku dileen 15 dagaalame oo daacish ka tirsan kuwaasoo dhamaantood ahaa Soomaaliya xili aysan wax ajaanib ah ku jirin.
Ciidamada difaaca Puntland ayaa saxaafada u sheegay in dagaalamayaasha ay dileen ay ahayd markii ugu horeysay oo hal goob ay ku dilaan tira intaas la eh oo Soomaali ah tan iyo markii uu bilowday howlgalkaan.
Howlgalada ay sameyaan Puntland ama duqeymaha saaxiibada caalamka waxaa daacish kaga dhiman jirey dagaalamayaal Somali iyo ajaanib isugu jira balse shalay oo jimco ahayd saraakiisha Puntland waxa sheegeen in markii ugu horeysay 15 soomaali wada ah la dilay waliba hal goob.
Degaanka Cadayle ee togga Baallade shalay waxaa loogu daatay dagaalamayaal Daacish ka tirsan oo ka so kala cararay goobihii maalihii ugu dambeysay laga soo saaray.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM