BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-C/rashiid Janan oo Dowlada Somalia ugu qaabilsanaa Taliyaha Nabad sugida Gobolka Geddo ayaa maanta ku dhawaaway inuu ka baxay Dowlada Somalia islamarkaana uu heshiis la galay Maamulka Jubaland oo awalba uu ka yimid kadib shir jaraa’id uu goor dhaway ku qabtay magaalada Balad-xaawo.
C/rashiid Janan wuxuu sheegay in markii uu Dowlada ku soo biirayay uu hadafkiisa ahaa inuu ku gaaro Madaxweynaha Jubaland garabka Dowlada balse markii uu taas waayay uu hadana Dowlada ka raadiyay bal in ciidamada mushaarka joogto la siiyo.
“markii aan madaxweyne waayay waxaan Dowlada ku iri walba ciidamada mushaarkooda joogto uga dhigay laakiin xil iska daaye xitaa mushaarkii ayaan ka waayay Dowlada ,ugu danbeyna waxaan go’aansaday inay Kenya kala hadalo sidii anaga iyo Jubaland aan heshiis u wada gaari lahayn waana lagu guuleystay”ayuu yiri
Dhanka kale warar aanan wali xaqiijin ayaa sheegaya in C/rashiid janan uu taageero ka waayay ciidamada Baladxaawo ku suugan iyagoo diiday inay Jubaland isku dhiibaan.
XAFIISKA WARmARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
