HomeWarkiiDAAWO: C/raxmaan C/shukuur oo sharaxaad ka bixiyay dib u dhaca ku yimid...

DAAWO: C/raxmaan C/shukuur oo sharaxaad ka bixiyay dib u dhaca ku yimid banaan-baxa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mid ah mucaaradka yaa sharaxaad ka bixiyay dib u dhaca ku yimid banaan-bixii beri ay qorsheynayeen kadib wada-hadal caawa ay la yeesheen Taliyayaasha Nisa iyo Booliiska xili gudi dhex dhexaadin ay arinta soo galeen taasoo keentay isfahamka keenay in la isla garto dib u dhaca.

Craxmaan C/shukuur wuxuu xusay in 10 maalmood kadib uu dhici doono banaanbaxa, mar uu ka hadlayay sababta dib u dhaca ayuu sheegay inay jirto duruuf dhanka amniga oo soo korortay sida weerarkii godka jilicow .

“waxaan isla qaadanay in iyadoo la qadarinaayo duruufaha amniga ee soo cusboonaaday gaar ahaan gaar ahaan weerarkii ka dhacay xarunta nabad sugida qaranka Gobolka Banaadir ee godka jilicow, madashuna masuuliyad ka saaran tahay amniga guud ee caasimada waxaa isla qaadanay in dib loo dhigo banaanbixii beri aan qorsheynay”ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur Warsame

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -