MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw Jaziira Hotel a furmay shirka Mucaaradka Dowlada gaar ahaan Golaha Musataqbalka,waxaana shir gudoominaya si wada jir ah Shariif,Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble.
Muuqaalada dueba laga helay furitaanka Shirka waxaa ka soo muuqday safka mucaaradka C/raxmaan Odowaa markiisii ugu horeysay tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu dhawaan ku dhawaaqay inay ka baxay Xisbiga Madaxweyne Xassan.
Sida muuqaalka aad ka arki karto waxay isku dhaw yihiin oo laba kursi isku xigta ah fadhiyaan Sanbaloolshe oo isna dhawaan ka baxay safka Dowlada.
Shirka wli wax war ah kama soo bixin balse waxaa aad loo hadal hayaa inay shuruud ku xiri doonaan gogosha Madaxweyne Xassan.
XAFIIAKA WARARKA AIYAASADA
DAYNIILE.COM
