MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-C/raxman C/shukurr ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyay hadalkii Madaxweynaha Somalia ee ahaa inaan la heyn taariikhda meel siyaasiyiinta mucaaradka Dowlada ku garab siiyeen dagaalka Alshabaab islamarkaana aysanba rabin in laga adkaado.
Qoraal uu Xildhibaan C/raxman C/shukur soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku beeniyay Madaxweyne Xassan in mucaaradku Dowlada ku garabsiin dagaalka Alshabaab
“Madaxweyne dadku waa ogyihiin in dagaalka argagaxisada laguugu garab taagnaa, lagaase yeeli maayo in guuldarradii ka dhalatay khilaafka dastuurka, musuqa, eexda iyo boobka dhulka danta guud aad cid kale dusha ka saarto”ayuu yiri Xildhibaan C/raxman C/shukuur.
Hadaba halkaan ka daawo muuqaal uu soo Jar-jaray siyaasigaan islamarkaana uu ku muujiyay cadeymihiisa ah inuu isagu Dowlada ku garab istaagay dagaalka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
