GAROWE (DAYNIILE.COM)-Sida aad muuqaalka ku arki karto Ciidamo milateri oo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inay ku biireen Dowlada Somalia islamarkaana uu Dastuiurka Puntland uu dhigayo in Dowlada Somalia ciidamo ku yeelan karto Punland.
Kadib markii maalin ka hor Laas-caanood ay gaareen ciidamo ka tirsan PSF ee Puntland kuwaasoo cadeeyay inay Dowlada Somalia ka amar qaataan ayaa waxaa hada soo baxday Ciidanka kale oo Puntland ka tirsan oo iyagana sheegay inay Faderaalka hoos tagaan kana sugayaan xusuuqdooda.
Ciidamadaan waxay ka tirsan yihiin Guutada 32-aad gaar ahaana Ururkiisa 4-aad ee ciidamada Xooga Dalka Somalia.
Sarkaal u hadlay Ciidamadaan ayaa sheegay inay dhawaan Mushaar ka sugayaan Dowlada Faderaalka islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay ku biiraan Dowlada Somalia.
Haddaba halkaan ka dawo muuqaalka ciidamada shaaciyay inay yihiin ciidan qaranka wixii hada ka danbeeya:-
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
