HomeWarkiiDAAWO: Dagaal culus kadib ciidamada Puntland oo la wareegay xeradii ciidamada PSF

DAAWO: Dagaal culus kadib ciidamada Puntland oo la wareegay xeradii ciidamada PSF

GAALKACYO (DAYNIILE.COM)-Dagaalkii Saaka aroortii ka bilowday waqooyi bari ee Gaalkacyo ayaa la soo sheegayaain lagu kala baxay kadib markii ciidamada Daraawiishta Puntland oo weerar ku qaaday ay qabsadeen xerada ciidamada PSF oo taageersan Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

 

Labada dhinac waxay isu adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan taasoo saacado kadib keentay in ciidamada reer Puntland ee PSF balse taageersan Faderaalka laga itaal roonaaday islamarkaana gabi ahaanba laga saaray xerada iyadoona la ogeyn halka ay u jiheysteen.

 

Muuqqaalo durba lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta ayaa cadeynaya in ciidamada Puntland gudaha u galeen xerada islamarkaana warbaahinta u soo bandhieen gaadiid dagaal ay ka qabsadeen ciidamada PSF ee laga saaray xeradaasi ciidan.

Dhanka Saraakiissha PSF wali kam hadlin dagaalka lagaga adkaaday waxaase lagu wadaa inay dhawaan warbaahinta la hadlaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -