NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta Magaalada Nairobi ka dhacay dibad-baxyo rabshado wata oo ay dhigeen shacab ka careysan qof Dowlada u xirnaa oo ku dhex geeriyooday gudaha saldhigii booliska kaasoo magaciisa lagu sheegay Albert Ojwang.
Dibad baxayaasha oo aad u careysan ayaa la arkayay iyagoo ku dhiiraday inay qoryaha la qabsadaan askarta sida aad muuqaalka ku arki kartidba xili ciidamaduna iska caabinayeen shacabka iyagoo adeegsanaya sunta dadka ka ilmeysiisa.
Mudaharaadayaasha rabashadaha watay waxaa hogaaminayay
shakhsiyaadka u ololeeya arrimaha bulshada iyo xuquuqul aadanaha.
Dibad baxayaasha ayaa aaminsan in ninka saldhiga ku dhintay uu u geeriyooday jir dilka ciidamada Booliiska waana tan keentay isu baxyada rabashadaha wata.
Shacabka ka careysan geerida ku timid Albert Ojwang ayaa dalbanayay inuu xafiiska banneeyo ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Eliud Kipkoech Lagat.
lama yaqaan sida Dowladu u maareynto doonto xiisadaan ka dhalatay ninka la sheegay inuu saldhiga ku dhex-dhintay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
