
TaliyahaGuutada 14-ka Oktoobarc ee ciidamada Xooga oo ka howlgala Gobolka Shabeelaha hoose ayaa si adag uga hadlay odayaal beeleedyo maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshada isaga hanjabayay iyagoo u kala safan laba beelood oo wada degta Gobolkaasi.
“Meel uu Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed joogo ayaa Qabiilo isku dagaalaya wax soconaayo maaha, amar ayaad uqabtiin Ciddii Xabbad isku ridda in la soo qabto” Taliyaha Guutada 14-ka October, G/le Cismaan Muuse.
