Ciidamada Xoogga Dalka Somalia gaar ahaan Taliska qaybta 43-aad ee ciidaanka dhulka ayaa maanta kala wareegay UNMAS gaadiid iyo agab kale oo loogu talogalay ciidanka Milatariga Somalia.

Munaasabada wareejinta waxaa ka qeybgalay Madaxa hogaanka sancada Col.Aadan C/laahi Cali iyo Taliyaha Taliska qaybta 43-aad Jen.Cali Maxamed Maxamuud Bad-madow iyo saraakiil kale.

Advertisement

Jen.Cali Maxamed Maxamuud Bad-madow ayaa uga mahad celiyay UNMAS taageerada ay mar kasta siiyaan Ciidamada Xoogga Dalka Somalia.

“waxaan rajeyneynaa hadii ay baxaan ciidaamada ATMIS inay nala joogi doonaan UNMAS  islamarkaana ay taageero milatari nala garab taagnaan doonaan ilaa iyo inta aan dalka gabi ahaanba kaga xoreyneyno Alshabaab”ayuu yiri Taliska qaybta 43-aad Jen.Cali Maxamed Maxamuud Bad-madow

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMaxay kaga jawaabeen reer Somaliland in laga damiyay raadiyihii hawada ay ku qaseen dhawaan
Next articleWasiirka Warfaafinta Somalia muxu ka sheegay shirka dalalka Islaamka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here