HomeWarkiiDAAWO: Duqa Muqdisho oo beeniyay in Dowladu shacabka ku qasabto inay isu...

DAAWO: Duqa Muqdisho oo beeniyay in Dowladu shacabka ku qasabto inay isu diiwaan geliyaan doorashooyinka.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa ka hadlay warar baraha bulshada aad loo wareejinayay maalmihii ugu dambeeyay kaasoo ah in Ciidamada Dowladu shacabka ku qasbaan inay isu diiwaan geliyaan doorashooyinka qof iyo cod.

Gudoomiyue Muungaab wuxuu gabi ahaanba beeniyay jiritaanka warkaasi isagoo taas badalkeeda xusay in dadka Soomaaliyeed si iskood ah safaf u galaan sidii ay isku codeyn lahaayeen.

“ma intaan qof soo dhaga qabaan leenahay magacaada sheeg ,hooyadaa sheeg,da’daada sheeg miyaan ku qasbi karnaa,maxaa nagu qasbaya,waxaas wax jira maaha, shacabka iyagaa yimaada waxayna galaan safaf dheedheer si ay beri u doortaan madaxdooda”ayuu yiri Muungaab

Duqa Muqdisho oo hadaladaan ka jeediyay kulan Wacyi-gelinta doorashada ku saabsan oo ka dhacay degmada Kaaraan ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay inay waqtiyadaan danbe soo bateen siyaasiyiin mar walba suurad xumeynaya isdiiwaangelinta shacabka isagoo ula jeeda mucaaradka Dowlada Faderaalka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -