MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta si lama filaan ah wuxuu uga farxiyay shaqaalaha nadaafada ugu qaabilsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Gudoomiye Xassan Maxamed Xuseen (Muungaab) wuxuu shaqaalha Nadaafada Muqdisho uga farxiyay in loo kordhiyay mushaarka oo isla bisha maalmaha naga xigto ay qaadan doonaan mushaarkooda oo ka badan intii hore.
Gudoomiye Muungaab ayaa dar dar weyn geliyay shaqada Maamulka Gobolka Banaadir tan iyo markii la magacaabay dhawaan.
“Qof kasta waxaa loo sameeyay mushaar kordhin shaqaalaha waaxda Nadaafadda ee Gobolka Banaadir,shaqaale kasta wuxuu heli doonaa bishaan lacag ka badan mushaarkii uu hore u qaadan jirey”ayuu yiri Duqa Xamar.
Hadaba halkaan ka daawo hadalka Gudoomiyaha:-
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

