MUQDISJO (DAYNIILE.COM) Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa soo bandhigay qalabkii lagu codeyn lahaa xili bishaan dhamaadkeeda lagu wado inuu Muqdisho ka dhaco doorashooyinka Golqha deegaanka Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha wuxuu xusay inay dhawaan geyn doonaan goobaha loogu talo galay inay ka dhacaan doorashooyinka ee Magaalada Muqdisho.
“Qalabkii lagu codeyn lahaa ayaan rabnaa in aan ku daabulno xarumaha loogu talagalay codbixinta degmooyinka.” ayuu yiri Gudookiye C/kariim.
