MATABAAN (DAYNIILE.COM)-Heshiis ayaa laga haaray colaad laba beelood oo walaalo ah ka dhex taagneyd kuwaasoo wada dega deegaano hoos taga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Deegaanka Mirdacay ee gobolka Hiiraan oo ay gogosha nabadeed tiilay ayaa lagu soo gabagabeeyay heshiis beelajhaasi la dhex dhigay.
Labada reer waxay ku heshiiyeen halkaasi colaada lagu heshiiyo,dhanka kale masuuliyiinta Dowlada oo dhex dhexaadisay labada beelood ayaa balan qaaday 2 bil inay ku keenaan diyada lagu heshiiyay.
Hadaba faah-faahinta qodobada lagu heshiiyay ka daawo muuqaalkaani oo aan ka soo qaadanay TV-ga Qaranka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM