HomeWarkiiDAAWO: Hooyo reer Puntland ah oo si la yaab leh weerar afka...

DAAWO: Hooyo reer Puntland ah oo si la yaab leh weerar afka ah ugu qaaday Madaxweyne Xasan

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Hooyo Soomaaliyeed oo ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa weerar afka ku qaaday Madaxweyne Xassan iyadoo adeegsatay ereyo kooban oo ay si ilbaxnimo leh u adeegsatay xili ay dhan kastaba ka fogeyd xad gudub dhanka Madaxweynaha hadey xilkiisa tahay hadey sharafkiisa iyo mansabkiisa tahay intaba.

Hooyadaan oo lagu magacaabo Canbaro islamarkaana aan muuqaalkeeda ka soo xiganeyno warbaahinta reer Puntland ee Horseed Media ayaa wax laga weydiiyay Madaxweyne Xasan iyo muda xileedkiisa waxayna ereyadeeda ku muujisay sida ay aragti ahaan uga soo horjeedo iyo sidey u jeclaan lahayd inuu xukunka baneeno iyadoo wax qalad ah sameyn sida baraha bulshada looga bartay Somalida oo inta badan aragtidooda ku lifaaqa aflagaado, muujin naceyb iyo ku xad-gudub dhanka cirdiga iyo sharafka masuuliyiinta Soomaaliyeed.

“Xasan Sheekh Dee waa isaga iyo danigiis, 2 bilood baa u hadhay oo dan buu u dhacayaa meeshana waa la isugu imaanayaa ,salaan iga gaarsiiya,una sheega in meesha la isugu imaanayo , puntland daandaansi laguma dayo” ayaa ka mid ahaa ereyada maamada.

Haddaba halkaan ka daawo muuqaalka Hooyo Canbaro:-

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -