MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Kala duwan ee Dowlada Soomaaliya sida Boliis Miltaariyo iyo NISA ayaa xalay waxay howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyeen Xaafadaha kala duwan ee Degmada Kaaraan Magaalada Mudisho.

Howlgalkaan waxaa uu salka ku hayay xaqiijinta amniga Degmada Kaaraan waxayna ciidamadu baareen guryaha,gaadiid iyo dadka intaba.

Advertisement

Ciidamada waxaa hogaminayay Taliyaha Nabad sugida Degmada Kaaraan Ismaaciil Cali Maxamuud iyo sarkaal howlgelinta ugu qaabilsan Boliis Milataariyada, waxaa la arkaayay ciidamada oo  baarayay xaafadaha Degmada Kaaraan sidoo kale waxay baarayen dhamaan gaadiidka dhex marayay degmada sida Bajaajyada oo ah kuwa ugu dhaq dhaqaqada badan.

Ciidamadu waxay bartilmaameedsanayeen burcada, kuwa amniga lidiga ku ah iyo ciyaal weerada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleKu Cibra qaado, Culimada Sayniska iyo Cilmi baaristooda
Next articleAqoonyahan Bur-saliid “dhamaan Itoobiyaanku shacab iyo madax dagaal dhul-boob ah bay nagu wadaan inaguna waa Xassan Sheekh kaliya oo xitaa ay dili gaareen”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here