MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Waxaa jira tuhuno laga qabo in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele uu si hoose ugu qanacsan yahay heshiiska dhul booka ah ee dhex maray  Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

Tuhunada laga qabo Madaxweynaha Jabuuti wuxuu ka dhashay kadib markii uu ka aamusay qadiyad Afrikaan iyo Muslimiin iska daaye xitaa reer Galbeedkii ka hadleen taasoo Dowlada Somalia loogu garaabay madax banaanideeda iyo Dhulkeeda.

Advertisement

Aamusnaanta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Dalal kale waxay keentay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu shalay digniin dad-ban u diro dalalka ka aamusay qadiyadaan.

Su’aasha qof kasta oo Soomaali ah is weydiinn karo ayaa ah Jabuuti ma ku jirtaa dalalka madaxweyne Xasan digninta u direy kana dalbaday waliba inay mowqifkooda cadeeyaan.

Jawaabtu waa iska cadahay Jabuuti ayaa kow ka ah maxaa yeelay waa walaalka iyo dariska koowaad ee Soomaaliya.

Previous articleMuxuu ku saabsan yahay Kulanka maanta ay leeyihiin Baarlamaanka Somalia
Next articleDAAWO:-Banaan-bax weyn oo reer Burco kaga hor yimaadeen Damaca Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here