MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Jeneraal C/laahi Xasan Bariise oo ka mid ah saraakiisha sare ee Booliiska ayaa maanta ka hadlay maandooriye lagu qabtay Dekada Muqdisho,wuxuuna sheegay inay tahay markii 4-aad oo sidaan oo kale ay u qabanayaan ganacsato isku sheegyo dalka soo gelinaya maandooriye.
Jenraalka wuxuu xusay in maandooriyahaani loo keeno in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed,wuxuu ugu goodiyay kuwa keenay in Dowladu talaabo adag ka qaadi doonto madaama ay dhowr mar soo noq noqotay.
“Tallaabo adag ayaana ka qaadi doonaa dadkii keenay, waa markii afaraad oo aan soo bandhigayno maan-dooriye Dekada laga soo dejinaayo si dadka loogu dhibaateeyo” ayuu yiri Jeneraal C/laahi Xasan Bariise.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
