Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw jeediyay khud-bad uu kaga hadlayo talaabadii maanta Baaramaanku ku ansixiyay Dastuur Soomaaliyeed oo dhameystiran.
Madaxweynaha wuxuu ugu horeyn Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay meel marintooda Dastuurka dalka, kaasi oo soo maray geeddi socod dheer oo dib u eegis iyo wax ka baddal ah.
