MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Goor dhaw oo duhuradaan ah waxaa soo xirmay shirkii xasaasiga ahaa ee maanta u socday labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kaasoo looga hadlayay wax ka badalka Dastuurka.
Shirkaan oo qorshuhu ahaa in dhamaan Xildhibaanada loo qeybiyo wax ka bedelka 5 cutub oo kamid ah Dastuurka oo laysku hayo ayaa hadana shirka wuxuu ka socon waayay buuq iyo fowdo ay abuureen xildhibaanada mucaaradka ee ka soo horjeeda qorshaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ee ahaa in maanta la meel mariyo wax ka badalka dastuurka iyo qabya tirkiisa.
Gudoonka Baarlamaanka  ayaa ku guuldareystay hab sama u socodsiinta shirka kaasoo buuq iyo sawaxan uu hareeyey, xili xildhibaanada qaarkood uu gacan ka hadal dhexmaray.
Xildhibaan Xassan Firinbi ayay warbaahinta hortooda ku jeex jeexay nuqulada qaar ka mid ah dastuurka oo la doonayay in laqeybiyo,Xasan Firinbi wuxuu ka mid yahay xildhibaanada mucaaradka kuwooda ugu waa weyn,sidoo kale kaamirad waxay soo qabatay isla Xassan Firinbi oo laga celcelinayo Wasiirka Amniga C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
